U bood dhigaalka

Wasiir Maareeye Oo Ka Warbixiyey Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii SYL

Sheeko:Dalka

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyey qaraxii maanta ka dhacay Hotelka SYL iyo dhaawacyo soo gaaray mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo wariyeyaal.

Ugu horreyn wasiirka oo ku hadlayey magaca dowladda Federaalka ayaa cambaareeyay weerarkaasi.

“Aniga oo ku hahdlaya magaca dowlada Federaalka waxaan cambaareynaynaa ficillada argagaxisada ah ee had iyo goor lagu beegsado shacabka Soomaaliyeed ee aan waxbo galabsan iyo sidoo  kale mas’uuliyiin dowladda ka mid ah oo u adeegaya shacabka Soomaaliyeed, waxaan u sheegayaa shacabka iyo dadyowga nabadda jecel ee adduunka aynu saaxiibka nahay, in maanta ficil argagaxiso oo ismiidaamin ah ay kooxaha nabad diidka Al-shabaab iyo Alqaacida kusoo qaadeen Laami dadku ku badan yahay oo hormara madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan naawaaxiga Hoteel SYL, weerarkaasi oo runtii dad badan oo laamiga maarayey oo haween iyo carruur ay ku jiraaan ay waxyeello kasoo gaartay, waxay dhaawacyo fudud kasoo gaareen mas’uuliyiin dowladda ka mid ah maadaama meesha ay madaxtooyada ku dhowdahay”

“Aniga shaqsi ahaan waxaan joogay Hotelka Labo shir ayaa ka socday, shir wasaaradda warfaafinta dadweynaha Soomaaliyeed ugu soo bandhigeysay waxqabadka dowladda  ama dadweynaha iyo dowladda isku wareysanayeen iyo shir kale oo xildhibaaanno iyo wasiiro lahaayeen wuu ka socday, marka dadkii mas’uuliyiinta ee labadaasi shir joogay waxaa gaaray dhaawacyo fudud oo 90% fududyihiin una badan firirka muraaayadaha, laakiin laamiga la marayey ayaa dhaawaca iyo dhimashada u badan tahay, ciidamo ayaa isku dhigay, illaa 500 Mitir ayaa gaariga qaraxa waday xabad lagu waday oo joogsan waayey waa qof naftiisii soo nacay, waa qof in inta ugu badan nafo dadeed oo shacab ah inuu gooyo doonayey, waxay isku dayayeen ciidanka in qaraxa badbaadiyaan, weyna badbaadiyeen oo meeshii ay la rabeen meysan gaarin laakiinse waxaan ka xunnahay oo tacsi u direynaa dadka aan waxbo galabsan ee ay beegsanayaan argagaxisada, waxaanu shacabka Soomaaliyeed ugu baaaqeynaa inaan dulqaad intaan ka badan u sameyn karin kooxaha argagaxisada ee nagu dhex nool, ciidamada qalabka sida oo amaanayo runtii  howsha ay hayaan habeen iyo maalin waxay u turayaan shacabka, waxay is leeyihiin gaari kasto haddii aad baartaan shacabka ayaa idin dhisbsanaya, u turista shacabka awgiis ayeey argagaxisada kusoo gaareysaa meelaha dadku ku badan yahay iyo xarumaha dowladda, shacabka Soomaaliyeed ayaa laga rabaa in dowladda garab istaagaan, shacabka ayaa laga rabaa inay ciidanka la shaqeeyaan”

Waxaa jira warar sheegayey in waxyeello ay soo gaartay xildhibaanno iyo wasiiro ku sugnaa gudaha hoteelka SYL, waxaana wasiirka uu sheegay in inta badan dadka ku jiray gudaha Hoteelka dhaawaca soo gaaray yahay mid fudud oo ah miraayadihii hoteelka ee Jajabay.

“Dadka dhaawacyada fudud qaba ee Muraayadaha waa kuwa ku jiray Hotel SYL, oo runtii dhihi karo, xildhibaanno, wasiiro iyo dad badan oo shacab ah ay isugu jiraan kuwaa ayeey u badan yihiin dhaawacyada muraayadda, laakiinse khasaaraha ugu badan waxa uu soo gaaaray dadka laamiga ku sugnaa ee qaraxa toos ula kulma, maadaama meesha ay ku sugan yihiin dad ku ganacsada, wasiirada xoogaa firirka gaaray waxaa ka mid ah wasiir Nuur Faarax wasiirka dekadaha laakiin inta aan ogahay dhaawiciisa muraayadaahaasi buu ahaa, xildhibaan Sugulle iyo xildhibaanno kale, sidoo kale wariyeyaal dhowr ah oo halkaasi ku sugnaa baa ku dhaawacmay, waxaan leeyahay  ilaahay dhaawaca ha idiin fududeeyo, waan ka qeybqaatay u gurmashada wariyeyaasha iyo xildhibaannada isbitaal ayaan geynay”

Wasiir Maareeye ayaa dhinaca kale la weydiiyey suurta galnimada gaariga qaraxa siday ku yimid halka uu isku qarxiyey.

“Meeshaan sidaad ogtihiin magaalo caasimad ah waaye, dhaqdhaqaaqeedu badan yahay, dekadda ay ku taallo madaxtooyada agteeda, jidadku waa ciriir waxaa jirta masaafo weyn oo Isbaarooyinka laga qaaday si aanay dadka had iyo jeer u dhibsan isbaarada, laakiin Sayidka laga soo billaabo ilaa meesha uu ku qarxay xabad ayaa lagu waday, waxaan qiyaasayaa in Labo darawal ay saarnaayeen oo ay isku bedaleen waayo aad baa loo xabadeeyay” ayuu yiri Maareeye.

In ka badan 10 qof ayaa ku geeriyootay qaraxii ismiidaaminta ee maanta ka dhacay Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 30.

Goobjoog News