U bood dhigaalka

Wasiir Maareeye Oo Ku Baaqay Sameynta Sanduuq Dhaqaale Loogu Uruurinayo Caruurta Ay Ka Tageen Wariyeyaashii Dalka Lagu Dilay

Sheeko:Dalka

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku baaqay in la sameeyo sanduuq lagu uruurin doono dhaqaale si loogu caawiyo carruurta ay ka geeriyoodeen wariyeyaashii lagu dilay magaalada Muqdisho ee agoomada ah.

Wasiirka ayaa tilmaamay in hadii la hirgeliyo sanduuqaasi uu waxtar badan u yeelan karo dhammaan caruurta agoomada ah, isaga oo ku baaqay in laga wada qeybqaato.

“Waxaan ka codsanayaa dadka gacanta ku haya Istiraatiijiyadda inay ku daraan qeyb dhaqaale loogu uruurinayo caruuraha agoomaha ah ee Wariyeyaashu ay ka dhinteen, warbaahintu waa in ay iyadu is caawisaa, waxaan ka codsanaa mar kale in dadka Istiraatiijiyadda haya ay arrinkaasi ku daraan annaga oo la kaashaneyno beesha caalamka in la sameeyo Sanduuq dhaqaale loogu uruurinayo agoonta ay ka tageen wariyayaashii la dilay” ayuu yiri wasiirka.

Wariyayaashii lagu dilay dalka ayaa intooda badan waxay ifka uga tageen caruur, kuwaasi oo haatan u baahan in la caawiyo.

Saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaan lahayn sanduuq ay dhaqaale isaga uruuriyaan si ay isugu caawiyaan, balse hadda waxaa muuqato rajo ah in ay mid noqdaan dhammaan wariyayaasha Soomaaliyeed walibana ay si buuxda isku caawiyaan.

Goobjoog News