U bood dhigaalka

Wasiir Maareeye Oo Sheegay In Kahor Bisha December La Dhisi Doono Maamulka Hiiraan Iyo Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha lagu dhisayo maamulka Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Waxa uu wasiirka sheegay in markii hore la qorsheynayay maamuylkaasi in la dhiso kahor bisha November, hase ahaatee dib u dhaca uu ku yimid sidii loo xalin lahaa muranno aan badneen oo jira.

“Meel aad u fiican ayuu marayaa howlaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe markii hore waxaa loogu tala galay bisha November in ergooyinka la xulo iyo baarlamaanka la xulo, si doorashada madaxweynaha loo galo, laakiin marka wax la dhisayo dad badan talada laga qeyb geliyo la rabo murano badan iyo waxyaabo kale iska soo baxaya”ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale wasiir Maareeye ayaa sheegay in bisha December inta aan la gaarin la dhisi doono maamulka Labadaasi gobal, sida qorshaha yahayna ay tahay in lahelo maamul dadku ku wada qanacsan yahay.

Waxgaradka ku kala dhaqan gobalada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa ku kala aragti duwan halka lagu qabanayo shirka maamulkaasi lagu dhisayo, waxaana ay aragti ahaan ay kala qabaan magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne.

Goobjoog News