U bood dhigaalka

Wasiir Maareeye Oo Soo Dhaweeyay Meel Marinta Sharciga Saxaafadda (Maqal)

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay meel marintii baarlamaanka Federaalka ee sharciga Saxaafadda oo dhawaan la ansixiyay.

Waxa uu wasiirka u mahad celiyay xildhibaanada baarlamaanka iyo dhammaan intii ka qeyb qaadatay sharcigaan.

Waxa uu sheegay in sharciga Saxaafadda uu soo maray heerar kala duwan, uuna soo socday Muddo Sagaal Sano ah, isaguna uu ahaa shaqsigii ugu horeeyay ee wax ka qoray sharcigaan, maantana uu nasiib u yeeshay in isaga oo wasiir ah mar kale la meel mariyo.

Wasiirka ayaa sheegay in sharcigaan uu ka mid yahay sharciyada saxaafadda caalamka lagu hago kuwooda ugu wanaagsan, isaga oo hoosta ka xariiqay in Suxufiga Soomaaliyeed uu hadda helayo dhammaan wax waliba oo xuquuq u leeyahay.

Dhinaca kale Wasiir Maareeye ayaa su’aallo laga weydiiyay arrimaha ku aadan qodobada sharcigaan qaarkii oo cabasho ka timid, isaga oo sheegay in wax walba oo cabasho ah ama bedal u baahan loo mari doono wadadii saxda ahayd ee loogu tala galay.

Qaar ka mid ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed ayaa farta ku goday dhowr qodob oo ka mid ah sharciga saxaafadda oo ay sheegeen in aanu la jaan qaadi karin marxaladda xilligaan jirta.

Riix halkaan si aad u dhageysto hadalka wasiir Maareeye

Goobjoog News