U bood dhigaalka

Wasiir Maareeye “Waxaan Wadnaa Horumarinta Ganacsiga Soomaaliya”

Sheeko:Dalka

Wasiirka ganacsiga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay wadaan qorsheyaal badan oo lagu horumarinayo ganacsiga dalka.

Waxa uu tilmaamay in sidoo kale ay wadaan sidii ay u fur-furi lahaayeen ganacsiga dalka iyo maalgashiga intaba.

Maareeye ayaa dhanka kale sheegay iney wadaan sidii ganacsiga Soomaaliya u noqon lahaa mid sahlan una sahlanaata ganacsatada iyo maalgashadayaasha caalamiga ah.

“Waxaan culeyska saarnaa sidii aan u fur-furi lahayn ganasiga Soomaaliya iyo maalgashiga Soomaaliya, sidii aan u sameyn lahayn shuruuc iyo siyaasado sahlaya in Soomaaliya la maalgashado in Soomaaliya ganacsi laga sameeyo, waxaan wadnaa inaan horumarinno sida ganacsiga Soomaaliya u noqon lahaa mid sahlan, taasi oo aan dooneyno inaanu maalgashiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed iyo maalgashatada ay si sahlan u helaan fursadaha iyo shatiyada ganacsiga” ayuu yiri wasiirka

Wasiir Maareeye ayaa hadalkaan ka sheegay kulanka looga hadlayo Kobcinta dhaqaalaha iyo shaqaaleysiinta, kaasi oo ay soo qaban qaabisay Geel Project kana socda magaalada Muqdisho.

Goobjoog News