U bood dhigaalka

Wasiir Maryan “Dowladda Soomaaliya Way Ku Farax Santahay Kusoo Laabashada Tartamada Qaarada Africa”

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda kubadda cagta Dekedda oo saddexdii sano lasoo dhaafay ku guulaysanay hanashada horyaalka Somalia Premier League ayaa 30 sano ka dib ka qeybgashay tartanka horyaalka kooxaha qaarada Africa ee CAF Champions League aysan kooxaha dalkeena ka qeybgalin soddonkii sano lasoo dhaafay.

“Wadankeena dagaalo ayaa ku jiray mudo dheer,balse Alx maanta aad ayaan ugu faraxsanahay hadaan nahay naadiga Dekeddaha in aan  soddon sano ka dib ka qeyb galno ciyaaraha horyaalada Africa ee Caf Champians League waa talaabo aan horay u qaadnay” waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xuukamada Soomaaliya marwo Maryan Aweys Jimcaale.

Kooxda Dekedda ayaa labo kulan wadan Masar kula dheelaysa naadiga Zamalek Sporting Club oo ka mid ahaa naadiyada ugu adag ee ka qeybgalka tartanka horyaalada qaarada Africa ee Caf Champions League wasiir Maryan waxa ay sheegtay in ka wasaarad ahaan ay ku kalasoonyihiin awooda kooxdooda ayna ka sugayaan in ay dalka kusoo laabtaan,iyagoo guulo lagu faraxo kasoo hooyo ciyaaraha qaarada Africa.

Maryan Aweys Jimcaale oo ah Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xuukamada Soomaaliya waxa ay dhinaca kale sheegtya G in madaxda Dowladda ay ku faraxsantahay kusoo laabashada tartamada qaarada Afrika ka wasaarad ahaan ay taageeridoonaan horomarka iyo xaquuqada Naadiga Dekeddaha Soomaaliya.

 

Halkan Ka Daawo Waraysi Ay Wasiirada Siisay Goobjoog Sports

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/336699927270769/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle