U bood dhigaalka

Wasiir Nuux: Waxaan Aaminsanahy Doorashadii Aan Galay, Waxaan Aaminsanhay Iney Aheyd Mid Xalaal Ah

Sheeko:Dalka

Wasiirka Sportiga iyo Dhalinyarada  Maxamed Xasan Nuux Oo Wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa meesha ka saaray in uu u hogaasamaayo go’aanka guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo go’aankii guddiga doorashooyinka intaba.

Wasiirka oo arrintaas ka hadlay waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay:

“Markii qof shaqo laga joojinaayo, dadka Soomaalida ama dadka dunida oo dhan waxaa ay leeyihiin xuquuq gaar u ah qofka uu ilahey siiyay oo ah in uu noolaan karo, lana dooran karo xaquuqaha ceynkaas ah ayaan anigu leeyahy, guddiguna markuu hadlayaan waxaa xaq ah iney hadlaan annagu ma nihin dad dunida ku nool oo aan laheyn xaquuq, waxaa jira xeerar iyo nidaamyo lamaro hadey iga reebaan doorashada waan u hogaansamaa iyo wax walba oo sharci ah ,balse waxaan aaminsanahy in guddigu iney il duufeen maandeetka la iiga reebi karo  doorashada inaan qeyb ka noqdo iney noqoto saddex shey ayaan is leeyahy , inaan dambi galay oo maxkamad ay igu eedeysan inaan galay dambi oo ahay dambiile, inaana aheyn qabiilka kursiga leh , ama aana dhameyn da’dii loogu talo galay kuwaas ayaan aaminsanahy iney doorashada ay iga reebi karaan haddaana intaasi la igu heyn ma aamisani in doorashada la iga reebi karo , qof walbana  waxaa wax looga reebi karaa markii laga hayo wax cad oo waraaq ku qoran oo ciwaan loo laabta leh”.

Wasiir Nuux waxaa uu sidoo kale sheegay in uu iska diidayo go’aankaas isagoo sababeeyay

“Kuma qorno gudiyada waxay isticmaaleen oo aan sheegayo annaguna  uma hogaansami karno waxa haddii aysan laheyn base shar­­ciyeed,xaquuqaha aan leenahay haddii la dhaawaco waxay iila muuqataa iney tahay wax ka hor imaanaayo xaquuqda shaqsiga  xaquuqda dalka iyo dhamaan xaquuqaha dastuuriga ah marka guddiyada waxy soo saaren waxaan ka leeyahy intaas”

Dhinaca kale isagoo ka hadlayey shaqaaqada waxaa uu yiri “Horta markii la leeyahy shaqaaqo ayaa dhacday waan ognahay iney shaqaaqo dhacday laakin shaqaaqadu kama aysan dhicin meel aysan cidna joogin  waxay ka dhacday deegaan uu ka jiro maamul goboleed  nidaam iyo wax walba ay ka jiraan , dowladda soomaaliya waxay dirtay quburo iyo dadkii ku shaqada lahaa markay shaqaaqo dhacdo  xaqiiqo raadin ay ugu horreyso  xeer ilaalinta booliska iyo daba galldii oo dhan hay,adihii  ku lugta lahaa dambi barista way baareen baaritaankii natiijo ayaa ka soo baxday , natiijadaas ma aysan aheyn mid naga hor istaagi karto doorashada natiijo cad  oo wax walba uu ku faahfaahsanyahy ayuu ahaa ,taasi markey dhacday waxaa ku qornaa natiijada  in lakala diro ergada uu dagaal dhex maray  si ay marlabaad aysan rabshada u imaan,laakiin qofka soomaaliga ah oo muwaadinka ah aniga iyo musharixii ila tartamayey waxaan xaq u laheyn inaan doorashada galno anigana waan galay doorashadii  qoritaanka ergada aad adigu leedahy waad keensaty anigu makeensan”

Wasiirka waxaa kaloo uu ka hadlay “Ergadu waa dad qaabaa’il  ka kooban  qaabaa’ilka dhaqankiisa ayaa keenay marka ma garanaayo waxa keenaya waxaas way dhici kartaa shaqsishaqsi inuu beegsado waxaana umuuqataa guddiyadu iney ku jiraan dad si kale olole ugu jiro waxa aynu kukala baxeynaa waa sharuucda u dagan wadanka anigana asalan maba ihi qof ummi oo aan wax ka garaneyn  oo iskaga yimid sharuucdii  dalka asaas nidaam waan u hogaansamaa waxaan aaminsanahy doorashadii aan galay waxaan aaminsanhay iney aheyd mid xalaal ah”.

“Waxaan arkaa in ay jiraa shakhsiyaad target-gareenaya xuquuq qofeed, waxaan arkaa in ay jiraan dad milicsanaya si fudud in ay ku limin karaa cridir-kii dadka ku laheyn iyo qiimihii aan dadka ku laheyn iyo wixii aan xaqqa u laheyn ee xuquuqdeeda gaarka ah”.

Goobjooog News