U bood dhigaalka

Wasiir Odawaa “Ahlu Sunna Waa Inay Tixgelisaa Rabitaanka Shacabka Ee Ku Wajahan Galmudug”

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Odawaa oo ku sugan magaalada Cadaado ee xarunta Galmudug ayaa baaq u diray maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Wuxuu sheegay wasiirka in Ahlu Sunna ay caburin ku heyso dadka shacabka ah iyo waxgaradkooda sidaasna aysan wanaagsanayn loona baahan yahay in dadka ay u tixgeliyaan rabitaankooda.

Wasiirka arrimaha gudaha federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in weli maamulka Galmudug inuu tago caasimaddiisa Dhuusamareeb laga hortaagan yahay arrintaasna ay tahay xadgudub ay sameynayaan dad ka soo horjeeda nabadda iyo horumarka Galgaduud iyo Mudug.

“Caasimaddii maamulkan weli caqabad baad ku tihiin, marka waxaan leeyahay dadka in qasbo ma ahan waxaan idin kugu baaqayaa inaad caasimadda baneysaan” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

“Waxaa la rabaa in dadka loo madaxbannaaneeyo rabitaankooda dadka yaan la qasbin, dadkan mar hore ayay Galmudug doorteen kuna bahoobeen maxay tahay juujuubka Dhuusamareeb aad ka wadaan” ayuu yiri wasiir Odawaa.

Hadalka wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Odawaa ayaa ku soo adaya iyadoo sanadkii labaad uu u socdo dowlad goboleedka Galmudug tan iyo markii la dhisay welina uu si KMG ah ugu sii shaqeynayo magaalada Cadaado.

Goobjoog News