U bood dhigaalka

Wasiir Odawaa “Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle Waa Inay Dhacdaa 15-ka Bishaan Ka Hor”

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa ka hadlay howlaha horyaalla baarlamaanka cusub ee maamulka Hirshabeelle oo lagu dhaariyay magaalada Jowhar.

Wuxuu sheegay in howlo adag looga baahan yahay baarlamaanka kuwaasoo ay u soo horreeyaan doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle iyo doorashada madaxtinimada maamulkaasi.

Horey ayaa loo sheegay in 15-ka bishaan la qorsheeyay in la doorto madaxweynaha maamulka Hirshabeelle hase yeeshee wasiir Odawaa ayaa sheegay in 15-ka hor xildhibaannada laga doonayo inay soo doortaan madaxweynaha.

“Howlaha yaalla waxay yihiin kow doorashada guddoomiyaha baarlamaanka labo doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle oo la idin ka rabo 15-ka bishan ka hor  seddex iyo xulista xubnaha aqalka sare ee golaha shacabka” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Odawaa.

Kulamo gaar gaar ah ayaa ka soconaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe halkaasoo ay ku sii qulqulayaan siyaasiyiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee maamulka Hirshabeelle iyo kuwa kale oo doonaya in xilal ay ka qabtaan maamulkaasi.

Dhanka kale, weli waxaa jira beelo deggan gobollada deriska ah ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ka careysan qaabka uu shirka u billowday iyo sida uu u socdo.

Magaalada Baladweyne weli waxaa ku sugan qaar kamid ah duubabka dhaqanka ee gobolkaasi oo ka biyo diiday ka qeyb galka iyo aqbalitaanka natiijada shirka Jowhar.

Goobjoog News