U bood dhigaalka

Wasiir Odawaa Oo Dhuusamareeb Kula Kulmaya Mas’uuliyiinta Ahlu-sunna

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud ayaa ku waramaya in halkaasi maanta ay ka soconayaa kulamo gaar gaar ah oo wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa uu la leeyahay mas’uuliyiinta Ahlu-sunna Waljameeca.

Wariyaha Goobjoog News ee magaalada Dhuusamareeb Maxamed Cabdiweli Tooxow ayaa soo sheegaya in kulamada ugu badan ay maanta soconayaan waxaana Labada dhinac ay ka wada shirayaan arimo badan oo ku aadan ka qeybgalka dhismaha maamulka Mudug iyo Galgaduud iyo xalinta khilaafyada jira.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay soo gaba gaboobaan inta badan kulamadaan, iyadoo natiijo laga filayo, waxaana saxaafadda si wadajir ah ula hadli doona wasiir Odawaa iyo mas’uuliyiinta Ahlu-sunna ee kulanka ka qeybgalaysa.

Shalay oo Isniin ahayd ayaa wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya waxa uu gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo lagu soo dhaweeyay, iyadoo magaaladaasi dhawaan dagaal ay ku qabsadeen ciidamada Ahlu-sunna.

Wasiirka waxa uu sheegay in uljeedka uu u tagay degmada Dhuusamareeb ay tahay nabad iyo wadahadal ay la galaan Ahlu-sunna Waljameeca.

Goobjoog News