U bood dhigaalka

Wasiir Odawaa Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

 

Wasiirka Arimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud, iyadoo degmadaasi ay la wareegeen ciidamada Ahlu-sunna.

Wasiirka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkaasi, sida lagu soo qoray war0saxaafadeed kasoo baxay wasiirka oo lagu daabacay warbaahinta dowladda.

War-saxaafadeedkaasi ayaa sidaan u qornaa:-  

-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxamaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa ka hadlay  dagaalladii ka dhacay magaaladda Dhuusa-mareeb ee xaruta gobolka Galgaduud.

Wasiirka  ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado  weerarkii maanta ay kooxda nabad diidka ahi  kula wareegeen  magaalada Dhuuso-Mareeb, isaga oo ku tilmaamay in tallaabadaasi tahay mid ay kooxdaasi uga baxday heshiiskii xabad joojinta ahaa ee kal hore lagula galay magaalada Guriceel.

Sidoo kale Wasiir Odowaa ayaa ku tilmaamay qabsashada Dhuusamarreeb mid lagu hagar-daameynayo habsami u socodka dhisamaha maamulka gobollada dhexe isla markaana lagu qalqal-gelinayo nabadda iyo xasilioonida ay heystaan  shacabka gobollada dhexe.

“Dowladda Soomaaliya tallaabo deg deg ah ay u qaadi doontaa ka hortaga kooxda nabad diidka ah ee inta isa soo abaabulay weeraray magaalo xasilooni ka jirtay, kuna jirtay gacanta dowladda Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Odowaa.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa tacsi u diray eheladda dadkii ku geeriyooday weerarkii maanta , wuxuuna Alle uga baryey inuu si deg deg ah u bogsiiyo dadka ku dhaawacmay.

DHAMMAAD