U bood dhigaalka

Wasiir Odawaa Oo Kamid Noqday Baarlamaanka Cusub

Sheeko:Dalka

Magaalada Cadaado ayaa maanta lagu doortay xildhibaanno kale oo cusub iyadoo maalmihii dambe magaaladaasi ay ka socotay doorashada baarlamaanka aqalka hoose ee dowladda federaalka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa maanta isna ku guuleystay kursiga xildhibaan kadib tartan uu la galay musharrax Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa kursiga xildhibaan ku hantay cod dhan 46 halka musharrixii la tartamayay uu helay 5 cod.

Dhanka kale waxaa maanta doorashada Cadaado ku tartamay illaa afar musharrax oo kala ah Cabdulqaadir Gaafow Maxamuud, Cabdulqaadir Nuur Caraale, Zakariye Maxamed Cosoble iyo Maxamed Maxamuud Guure.

Codeyntii ergada markii ay soo gebagebowday ayaa guddiga doorashada waxay hoolka doorashada ee Cadaado kaga dhawaaqeen in Cabdulqaadir Gaafow Maxamuud uu ku guuleystay kuriga xildhibaan oo uu helay 48 cod.

Wararka qaar oo aan helnay ayaa sheegaya in mid kamid ah musharrixiinta oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Guure loo diiday inuu galo xarunta ay ka socotay doorashada.

Magaalada Cadaado ayaa laga dareemayaa mashquul aad u badan waxaana laga dareemayaa diyaargarowga iyo loolanka ay ku jiraan musharrixiin fara  badan oo u ordaya kamid noqoshada baarlamaanka cusub ee dowladda federaalka.

Goobjoog News