U bood dhigaalka

Wasiir Odawaa Oo Magaalada Cadaado Kula Kulmay Musharraxiinta u Taagan Xilka Madaxweyne Ee Maamulka Mudug iyo Galgaduud (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Wasiirka Arimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, ayaa magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud waxa uu kula kulmay musharraxiinta u taagan xilka madaxtinimo ee maamulka loo sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Kulankaan oo habeenkii xalay ahaa dhacay wasiirka waxa uu musharraxiintaan kala shiray arimo badan oo ku aadan aayahay gobalada maamulka loo sameynayo.

Wasiir Odawaa ayaa ugu baaqay musharraxiinta in ay ka shaqeeyaan sidii loogu guuleysan lahaa waxyaabaha ka dhiman ee shirka iyo sidoo kale in shirka si xoogan loo taageero.

Sidoo kale wasiirka ayaa ugu baaqay dhammaan musharraxiinta in ay ku kalsooni ku qabaan dowladda Federaalka, waxaana uu tilmaamay kaalinta dowladda ay shirkaasi ku leedahay.

Musharraxiinta kulanka la qaatay wasiir Odawaa waxaa ka mid ah Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Cali Maxamuud Faarax Seeko, Maxamed Cilmi Damdamle, iyo Xasan Qalaad, waxaana iyaguna ay sheegeen sida shirkaan socda ay ugu faraxsanyihiin iyo sidoo kale doorka ay qaadan doonaan.

Hoos ka daawo Sawirada

DSC_2202 DSC_2205 DSC_2206 DSC_2172 DSC_2191 DSC_2199

Goobjoog News