U bood dhigaalka

Wasiir Odowaa Oo Ka Hadlay Abaaraha Dalka Ka Jira

Sheeko:Dalka

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa ka hadlay abaarta ka jira meello badan oo dalka kamid ah iyo sidoo kale saameynta ay ku yeelatay dadka iyo Duunyada.

Waxa uu sheegay wasiirka in abaartu tahay mid daran, islamarkaana ugu daran yihiin deegaanno kamid ah  Somailand, Puntland iyo Galmudug.

Iskaashiga gudaha iyo midka ka yimaada caalamka ayuu sheegay wasiirka in loo baahan yahay in loo isticmaalo sida ugu haboon, maadaama abaartu tahay mid daran.

“Waxaa jirta abaar adag oo u badan gobollada Somaliland, Puntland iyo Galmudug oo culsyskeedu soo gaaarey, iskaashigeenna gudaha iyo midka adduunka iyo wixii kaalmo ah ee nooga yimaado waa inaan u isticmaalno sida ugu munaasibsan” ayuu yiri wasiir  Odowaa.

Hadalka wasiirka ayaa imaaanaya xilli meello badan oo dalka ah ay ka jirto abaar saameyn ku yeelatay dadka iyo Duunyada, loona baahan yahay gurmad dhan walbo leh oo dadkaasi lala gaaro.

Goobjoog News