U bood dhigaalka

Wasiir Odowaa Oo Kulamo La Leh Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada Degmada Hobyo

Sheeko:Dalka

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa kulamo waxa uu la qaadanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo sidoo kale mas’uuliyiinta Galmudug ee ku sugan degmada Hobyo ee gobalka Mudug.

Wasiir Odowaa iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay gaaray Hobyo ayaa shalay illaa xalay waxa uu la kulmayay madaxda Galmudug oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Mudug Cali Cayn ayaa soo sheegaya in maanta wasiirka la filayo in shir uu la yeesho ganacsato ku sugan degmada Hobyo sidoo kalena uu soo kormeero dekaddii hore ee degmadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa waxay sheegayaan in wasiir Odowaa uu shacabka ka dhageysanayo aragti ay soo jeedinayaan taasi oo ku aadan maamulka cusub ee loo sameynayo degmada Hobyo.

Degmada Hobyo waxaa kusii sugnaa madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxaana la filayaa in dhawaan la furo waddo dheer oo dhismaheedu muddo socday iyo sidoo kale dekadda Degmadaasi.

Waxaa hobyo ku sugan ganacsato ajaaniib ah oo iyaguna doonaya in maalgashi ay ku sameystaan degmada Hobyo.

Goobjoog News