U bood dhigaalka

Wasiir Odowaa Oo Kulan Arrimo Dhowr Ah Looga Hadlay La Qaatay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Kulan ay maanta ay wada yeesheen guddoomiyeyaasha degmooyinka magaalada Muqdisho iyo wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa socday saacado, waxaana saxaafadda ay ka ahayd dibad joog.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira dib u dhiska magaalada Muqdisho iyo sidoo kale cabashooyin ay shacabka la wadaageen wasaaradda arrimaha gudaha.

Wasiir Odowaa ayaa kulanka kadib waxa uu saxaafadda u faah faahiyey kulanka uu la qaatay guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo waxa ay ka wada hadleen.

“Maanta waxaan booqasho shaqo ku imid gobolka Banaadir, xarunta dowladda hoose, waxaan u nimid howla shaqo oo ku saabsan sidii loo horumarin lahaa shaqada gobolka, waxaan la kulmay ku simaha guddomiyaha, guddomiye ku xigeennada, guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho, iyo agaasimayaasha waaxyaha gobolka Banaadir, waxaan ka wada hadalnay sidii gobolka loo horumarin lahaa, arrimaha ku saabsan gobolka iyo meesha ay wax u marayaan aad iyo aad baan ugu ammaannay maamulka cusub ee guddoomiyaha uu hogaaminayo, waxaad ka warhaysaan in waddooyin loo dhisay magaalada sida midda isku xireysay Sayidka iyo Bakaaraha iyo wadadii Buuloxuubey, waxaana hadda uu inooga warbixiyey ku simaha guddoomiyaha in la wado qorshe lagu dhisayo waddooyinka 30-ka iyo Wadnaha, waxaan la wadaagnay arrimihii annaga naga soo gaaray muwaadiniinta deggan gobolka oo ay ka mid ahaayee nalalka, nafaadadda iyo wixii la mid ah in wax laga qabto oo la horumariyo, waxaan kaloo ku ammaanay amniga iyo shaqada ay qabtaan guddoomiyayaasha degmooyinka, waxay ahayd kala talo qaadasho iyo kala warqaadasho muddo dheer kadib, runtii guddoonka cusub iyo guddoomiyaha hambalyo ayaan u direynaa, marwalbo shaqada kama dhamaato in la wanaajiyo” ayuu yiri wasiir Odowaa.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa wado qorsheyaal uu ku doonayo inuu ku dhiso waddooyinka burbursan ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News