U bood dhigaalka

Wasiir Odowaa Oo Odayaal Dhaqameed Kula Kulmay Jowhar

Sheeko:Dalka

Magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha dhexe waxaa ka soconaya kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaaladaasi.

Ulajeedka kulamadan ayaa ah sidii loo dardar gelin lahaa hannaanka shirka uu u socdo iyo sidoo kale in la helo maamul ay u dhan yihiin shacabka wada deggan gobollada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Wariyaheena Jowhar Aadan Xuseen Daa’uud ayaa soo sheegaya in wasiir Odowaa uu la kulmay inta badan odayaasha shirkaasi ka qeybgalaya ayna ka wada hadleen sidii si firfircoon shirkaasi loogu wadi lahaa.

Jowhar ayaa looga shirayaa maamulka loo sameynayo Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana shirkan ka qeybgalaya waxgarad matalaya Labada dhinac.

Waxgarad ku sugan magaalada B/weyne ayaa iyagu diiday ka qeybgalka shirkan inkastoo wejigii Seddaxaad uu dhawaan geli doono shirka Jowhar.

Goobjoog News