U bood dhigaalka

Wasiir Odowaa Oo Wada Hadal Ugu Baaqay Ahlu-sunna Waljameeca

Sheeko:Dalka

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa ugu baaqay maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobolka Galgaduud in wax walbo oo ay ka tabanayaan dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug ay wada hadal ka galaan.

Wuxuu sheegay in dowladda Federaalka diyaar u tahay in Ahlu-sunna ay ka qanciso wax walbo oo ay tabaneyso, islamarkaana diyaar u yihiin inay ka shaqeeyaan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqda ay ku leeyihiin Galmudug.

“Waxaan halkaan baaq uga jeedineynaa walaalaheena jooga Dhuusamareeb waa walaalaheen, annaga ayaa dowladda Federaalka u matalna midda Galmudugna madaxdii baa joogta wax walbo oo khilaaf ah in wada hadal lagu dhameeyo ayaan soo jeedineynaa, haddii ay wax tabanayaan ama xag Federaal ama xag dowlad goboleed in mar walbo laga xalliyo ayaa diyaar loo yahay, laakiinse waa dhammaaday waqtigii koox ay qori ku sameysan lahayd maamul, dowladda Soomaaaliya waxay kala shaqeynaysaa Ahlu-sunna sidii ay haddii xaq uga maqan yihihiin Galmudug sidii ay ku heli lahaayeen” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Odowaa ayaa hadalkaan kahor sheegay boqolaal shacab ah oo isaga iyo wafdi ka socda Galmudug kusoo dhaweeyay deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud.

Goobjoog News