U bood dhigaalka

Wasiir Qarjab “Madaxweyne Gaas Uma Gefin Dadka K/galbeed”

Sheeko:Dalka

Cabdi Xirsi Cali Qarjab, wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey hadal dhowaan uu madaxweyne Gaas ka sheegay magaalada Badhan.

Qarjab ayaa ugu horreyn sheegay in hadalkaasi si qaldan loo fasiray, balse aanu gaas ula jeedin in Al-shabaab ay ka yimaadaan oo kaliya deegaannada Koonfur Galbeed.

Waxa uu tilmaamay wasiir Qarjab, in dadka hadalladaasi sida kale u dhigay u arkaan iney iyagu ka mid yihiin Daacish ama Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dadka K/galbeed ka yimid Puntland waa lagu soo dhoweeyey, wey deggan yihiin, dadka ugu badan oo ganacsiga ku leh weeye, dadka sida qaldan u akhrinaya waa dad shabaab ah, dadka waxaas soo qoraya waa Labo mid un ama waa kuwii laga hadlayey ee Shabaab ama waa kuwo aan waxbo garaneynin, Al-shabaab iyo daacish meel walbo oo ay kasoo jeedaan waa cadow Soomaaliyeed, madaxweyne Gaas uma gefin dadka Puntland” ayuu yiri wasiirka.

Baraha bulshada ayaa maalmahan dambe aad loo hadal hayey hadal uu madaxweyne Gaas kaga hadlayey Al-shabaabka ka dagaallama Puntland, kadib markii la sheegay in Gaas uu si gaar ah farta ugu fiiqay gobollada K/galbeed.

Goobjoog News