U bood dhigaalka

Wasiir Sharci Darro Ku Tilmaamay Xil Ka Qaadistii Cosoble

Sheeko:Dalka

Wasiirka warfaafinta Hirshabelle Mahad Xuseen ayaa sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadistii ay shalay xildhibaannada maamulkaasi ku sameeyeen madaxweynahoodii Cali Cabdullaahi Cosoble.

Wasiir Mahad oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in aysan xildhibaannada u dhameyn kulankii oo isagu aaminsanyahay inuu ku dhacay si sharci darro ah.

Waxa uu sheegay in magaalada Jowhar aysan ku sugneyn xildhibaanno gaaraya 70, wuxuuna sheegay in middaasi looga gol leeyahay qalqal siyaasadeed laga dhex abuuro maamulka waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Cid xilka ka qaaddey maleh madaxweynaha, waa arrin aan sharciga waafqsaneyn, waxaana la doonayaa oo kaliya in qalqal lagu beero maamulka, sidoo kale waxaan idiin sheegayaa in tiro intas la eg aanay joogin Jowhar, sidoo kalena aanu sharciga waafaqsaneyn qaabka uu kulanka u dhacay” ayuu yiri wasiirka.

Xildhibaannada Hirshabelle ayaa kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Jowhar waxay sheegeen iney kalsoonida kala laabteen madaxweyne Cosoble.

Goobjoog News