U bood dhigaalka

Wasiir Sheegay Caqabado Horyaalla maamulka Galmudug

Sheeko:Dalka

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali ayaa sheegay in maamulkooda ay horyaallaan arrimo dhowr ah oo qabado leh.

Wuxuu sheegay in waxyaabaha hadda laga doonayo madaxweynaha cusub iyo sidoo kale guud ahaan maamulka Galmudug kamid yihiin sidii lagu xallin lahaa arrinta Ahlu-sunna oo uu sheegay iney u arkaan mid aad u adag, una baahan in si ka fiirsasho leh loo galo.

Sidoo kale wuxuu sheegay wasiirka in waxyaabaha kale ee maamulkooda horyaalla ay kamid tahay arrinta dib u heshiisiinta guud ee dadka reer Galmudug.

“Waxyaabo badan baa horyaalla Galmudug, waxaa ugu horraaya dib u heshiinta, Ahlu-sunna meel bay joogtaa waxaana la doonayaa in garabka maqan la keeno, walow wadahadalladii hore la ogaa wixii ay ku dhammaadeen, sidoo kale waxaa la doonayaa in dib u heshiin guud loo sameeyo reer Galmudug” ayuu yiri Wasiirka.

Galmudug ayaa Arbacadii shalay yeelatay madaxweyne cusub, waxaana horyaalla madaxweynaha iyo xukuumadda uu dhisi doono waxyaabo badan oo wax ka qabasho dhab ah u baahan.

Goobjoog News