U bood dhigaalka

Taardhuleed “Waan Soo Dhoweynaynaa Qirashada Maraykanka”

Sheeko:Dalka

Wasiirka amniga maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay maanta magaalada Gaalkacyo wuxuu kaga hadlay qirashadii Maraykanka ay qirteen inay duqeyntii ka dhacday degaanka Jeexdin ee duleedka Gaalkacyo ay ku dileen ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay in ka Galmudug ahaan ay soo dhoweynayaan qirashada Maraykanka uu qirtay islamarkaana ciidamadii Galmudug ee uu laayay ay ka doonayaan magtooda.

“Waan ku faraxsannahay in Maraykanka ay dib uga laabatay hadalkii ay ku andacoonaysay ee ahaa inaysan dilin ciidamo ka tirsan Galmudug waana soo dhoweynaynaa inay qirtaan in ciidankii ay dileen ay ahaayeen Galmudug” ayuu yiri wasiirka amniga Galmudug.

Wasiirka amniga Galmudug Cismaan Taardhuleed ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Maraykanka uu bixiyo magta wiilashii kaga dhintay Galmudug duqeyntaasi iyo khasaaraha hantiyadeed ee ka dhashay.

“Magta dadkii dhintay iyo hantidii ku baaba’dayba Maraykanka waa laga rabaa inuu bixiyo maxaa yeelay haddii uu qirtay waa inuu bixiyaa magta ragga dhintay” ayuu yiri wasiirka amniga Galmudug.

Marka laga soo tago askartii Galmudug kaga geeriyootay weerarkaasi sida qaldan Maraykanka uu ku fuliyay sida uu dib isagaba ka qirtay waxaa jira askar kale oo dhaawacyo kala duwan uu ka soo gaaray, kuwaasoo iminka lagu kala dabiibayo dalka iyo dibadda.

28-kii bishii Sept. 2016 ciidamada Maraykanka ayaa diyaarado dagaal ku weeraray xilli habeen ah ciidamo ka tirsan Galmudug oo ku sugnaa degaanka Jeexdin oo Gaalkacyo dhankeeda Koonfureed uga beegan 15KM taasoo ka dambeysay kadib warbixinno ay ka heleen saraakiisha ciidanka PIS-ta Puntland oo fadhigoodu yahay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Goobjoog News