U bood dhigaalka

Wasiir Xamsa Saciid Xamsa Oo La Wareegay Wasaarada Ciyaaraha Soomaaliya

Sheeko:Cayaaraha

Ra’iisul ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed  ayaa ka qeybgalay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Wasiirrada loo kala wareejiyay wasaaradaha ciyaaraha iyo dhalinyarada iyo sidoo kale wasaarada maareynta iyo masiibooyinka Dowladda Fedraaka Soomaaliya.

“Waxaan gaarnay guulo waaweyn mudadii aan joognay Wasaarada Ciyaaraha Soomaaliya,waxaan sidoo kale qabyo noo ahaa shaqooyin waxaan Wasiir Xamse ku soo dhawaynaa Waasarada,maadama uu horay u ahaa ciyaaryahan hore” waxaa sidaas warbaahinta u sheegay wasiirkii hore ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya Khadiijo Diiriye oo iminka loo wareejiyay wasaarada gargaarka maareynta iyo masoobooyinka Soomaaliya.

Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul ku xigeenka Soomaaliya ayaa ku ammaanay labada wasaarada mudadii ay kala joogeen labada xafiis in ay ku tilaabsadeen guul waaweyn,isagoo tilmaamay in labadani wasaarradood ay kamid yihiin lafdhabarka dowladda, loogana fadhiyo in la sii dajiyo shaqooyinka horyaala.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan dib ugu soo laabto hooygayga,waxaan ka shaqeyn doonaa horomarinta isboortiga Soomaaliya,sidoo kale waxaan soo dhawaynaa cid kasta oo kaalin la qaadanaysa guulaha

Daawo Warbixin Ku Saabsan Xil Wareejinta Wasaarada Ciyaaraha Soomaaliya