U bood dhigaalka

Wasiir Xamse Saciid “Tartanka Gobolada Waa Kan Ugu Xiisaha Badan Soomaaliya”

Sheeko:Cayaaraha

Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Soomaaliya mudane Xamse Saciid Xamse oo ka hadlayay muhiimada ay lee yihiin ciyaaraha Gobolada ayaa sheegay in sanadkan maamulkiisa uu wax badan ku soo kordhin doono,kan duwanyahay kuwii sanadihii hore,waxayna taas qeyb ka tahay is badalka muuqda uu la yimid Wasiir Xamse Saciid labadii bil uu joogay Wasaaradda Isboortiga iyo dhallinyarada Soomaaliya.

“Tartanka Gobolada waa kan ugu xiisaha badan dalkeena ka Xamse ahaan aqoon wanaagsan ayaan u lee yahay ahmyida ay lee yihiin ,waxaan rajaynayaa in sanadkan bulshadeena ay ka helaan waxyaabaha aan soo kordhinay” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Wasiir Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Soomaaliya mudane Xamse Saciid Xamse.

Tartanka Maamul Goboleedyada oo la qabtay sanadihii 2016,2017 ayaa kaliya ku koobnaa ciyaaraha kubadda cagta,balse Wasiir Xamse Saciid ayaa xiriirada ka dhisan dalka la wadaagay in la balaariyo ahmyida ay lee yihiin,iyadoo lagu daray ciyaaraha fudud iyo kolayga.

“Waxaan u rajaynayaa kooxaha iyo dhallinyarada ka qeyb galaysa sanadkan in ay u diyaar garoobaan qeybaha kala duwan ee tartanka ka kooban yahay,waxaana rajaynayaa in uu noqdo tartanka xiiso badann oo taariikhda galo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Ciyaaraha Soomaaliya Xamse Saciid Xamse.

Aqriso Magacyada Guddiyada Maamulaya Tartanka Maamul Goboleedyada

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/wasiir-xamse-saciid-oo-magacaabay-guddiga-maamulaya-tartanka-maamul-goboleedyada-iyo-gobolka-banaadir-2020/

Si kastaba diyaar garowka tartanka Maamul Goboleedyada ayaa laga dareemayaa guud ahaan Soomaaliya,waxaana bahda ciyaaraha Soomaaliya ay isha ku hayaan kooxda qaadi doonta sanadkan.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle