U bood dhigaalka

Wasiir Xamse “Waxaan U Baahanahay Wada Shaqeyn”

Sheeko:Cayaaraha

Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Soomaaliya mudane Xamse Saciid Xamse ayaa sheegay tan iyo markii uu la wareegay xafiiska Wasaarada ay bahda isboortiga ugu soo hambalyayeen magacaabistiisa,isagoo intaa ku daray in ay muhiim tahay wada shaqeyn wanaagsan in ay yeeshaan Wasaaradaha Ciyaaraha Maamul Goboleedyada iyo Xiriirka kala duwan ee ka dhisan dalka,isagoo carabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay “Wada shqeyn”.

“In Baraha bulshada nala soo dhigo waa Ok,waan ku farxaynaa,balse waxaa loo baahanyahay shaqo,Wasaaradan waxaa wada leh bahda isboortiga,waxaan noo yaalo shaqo badan waxa aan maaraynaynaa dhallinyaro” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Wasiirka Ciyaaraha Soomaaliya Mudane Xamse Saciid Xamse.

Daawo Wasiir Xamse Saciid Oo U Mahad Celiyay Bahda Ciyaaraha

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle