U bood dhigaalka

Wasiir ka Tirsanaa Somaliland Oo Codsaday in Shacabka Loo Faahfaahiyo Heshiiska Maalgashiga Dekedda Berbera ee DP World

Sheeko:Dalka

Wasiirkii hore ee Madaxtooytooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlay heshiiska  xukuumadda Somaliland la gashay shirkadda DP world ee maalgelinta dekedda Berbera  ayaa sheegay in muhiimadda ay Somaliland u leedahay dekadda awgeed dawladda looga baahanyahy inay bulshada soo hor dhigto heshiis cad oo  faahfaahsan.

Wasiirka oo saxaafadda gudaha la hadlay ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in dekedda la hormariyo, laakiin loo baahan yahay in heshiiska dekeddu uu cad yahay:

”Waxaan qabaa aragtida ah in dekedda la horumariyo oo dekeddu waa hantida ugu muhiisan ee somaliland, waa hawlbawle, waa meeshii ummadda wax u soo marayeen, waynu u baahanahay in dekedda la horumariyo, kuwo kalana la dhiso si horumarka dalku u dhamaystirmo, waxa kale oo aan qabaa in heshiiska dekedda uu cad yahay oo aanu madmadaw ku jirin, waxaa ii muuqatay in heshiiska iminka la galay intaan ka arkay uu yahay mid koobaan laakiin heshiiskii weynaa ma’aan arag haddii uu jirana in umada loo bayaamiyaa waa sax”, ayuu yiri xirsi.

Mudadii ay xukuumadda Somaliland  sheegtay inay dekedda maalgelinayso shirkada DP world waxa bilaabmay kacdoonno ay hormuud ka yihiin dadweynaha gobolka ay dekeddu ku taallo ee Saaxil, kaas oo marba marka ka dambeysa sii xoogeysanayay.

Xirsi Cali Xaaji wasiirkii hore ee Madaxtooyada ayaa ka hadlay qaabka uu fikirkiisa la tahay in khilaafkaasi ka dhashay dekedda lagu xallin karo; “Anigu waxaan is leeyahay  shayga ugu muhiimsan waa inuu yahay in heshiiska la cadeeyo oo laysla fahmo, dawladuna dadka ay u shaqaysaa  oo ay u adeegtaa, markaa waa in dadka loo cadeeyo  oo la tuso  oo la  qanciyo loona soo bandhigo oo ay arkaan, waxaanan leeyahay dadka hala qanciyo oo hala tuso waxyaalaha loo baahan yahay ee aan hore u soo sheegay, haddii aad dawlad joogtana kacdoonadu waagii baryaba way joogaan dawladuna iyada ayaa taqaana siday u xalinayso laakiin waa wax looga baahan yahay ninka masuulka ah sidii uu u xalin lahaa.”.

Xirsi Cali Xaaji oo u waramay warbaahinta gudaha Hargeysa ka hawlgasha waxa uu xusay oo kale inay haboontahay in markasta diiradda la saaro sidii loo korin lahaa dhaqaalaha soo gala dadka shacabka ah ee waxsoosaarka ka sameeya dekadda Berbera gaaar ahana shaqaale hoosaadka .

Xirsi oo lixdii sanno ee ugu dambeeyey saamayn weyn ku lahaa siyaasadeed Somaliland  waxa kale oo uu ka hadlay arrinta saamiga beel kasta oo Somaliland degta ay ka heli karto kuraasta golaha wakiilada oo ay dood adag ka keeneen beelaha qaarkood oo diidan in lagu galo xeerkii 2005 doorashada  waxaanu yidhi Xirsi,

“Saami qaybsiga waxaan u arkayaa inaanay ahayn arin dadka kala kaxaysa oo kala firdhisa, umana baahna marna guddi iyo kolba qolo loo saaro, waa arin u baahan go’aan, xisbiyaduna iyaga ayaa tartamaya oo doonaya inay baarlamaanka soo saaraan waxa loo baahnaa inay go’aan ka gaadhaan, madaxweynuhu waxa uu u soo bandhigay inay go’aan ka soo gaadhaan waanay ku celiyeen, waxaanan u arkaa in madaxweynaha iyo cida kale ee ay ka fursan waydaa ay gasho, inkasta oo ay xisbiyadu xaq u lahaayeen inay go’aan ka soo gaadhaan oo ay la yimaadaan wixii ay heshiis ku yihiin hadana waa in arintaas go’aan laga gaadho si aanu murankaasi u sii jiitamin, saamayna ugu yeelan doorashada.”

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa  ka waramay sida lagu dhamayn karo saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada waxaanu yidhi; “Waa laba dariiq oo horta aniga ima hortaallo waana wax go’aan u baahan markaa rayi maaha, go’aankaasi ha qadhaadhaado ama ha macaanaado waxay u baahan tahay ama wixii hore ee jiray in la ansixiyo oo laysla qaato oo ciddii  kale ee lagu qancinayo lagu qanciyo ama in go’aan la gaadho oo wax ka bedalan la keeno, waayo waxa la aqbalay oo cid waliba aqbashay cabashadii timid, markii hadii cabashadii la aqbalay talaabadii la qaadi lahaa ee lagu sixi lahaa ayaa loo baahan yahay, ninkii cabashadu soo gaadhayna hadaanu aqbalinna waxa loo baahan yahay inuu ka jawaabo, laakiin anigu ma ihi kii ka jawaabayey.”, ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Maalinimadii shalay ayaa baarlamaanka Somaliland la horgeeyay heshiiska DP World ee maalgashiga dekedda Berbera, iyadoo la filayo in xubnaha baarlamaanku ay ka go’aan gaaraan heshiiskaas oo ay ansixiyaan ama ay dib ugu celiyaan xukuumadda Somaliland.

Goobjoog News