U bood dhigaalka

Wasiir Xoosh Oo Geeriyooday

Sheeko:Dalka

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in magaalada Dubai ee dalka isku-tagga Imaaraadka Carabta uu ku geeriyoodey Allaha u naxariistee wasiirkii Dastuurka xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Xoosha ayaa maalmahan ku xanuunsanayey halkaasi isaga arrimo caafimaad uu u joogay Dubai.

C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray, wuxuuna hadda ahaa wasiirka Dastuurka.