U bood dhigaalka

Wasiir Xoosh Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Go’aankii Baarlamaanka Ee Diidmada Ammarka Maxkamadda Sare

Sheeko:Dalka

Wasiirka dastuurka xukuumadda federaalka ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanka ay baarlamaanka Soomaaliya ku laaleen amarkii maxkamadda sare.

Wasiir cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa hadal uu soo dhigay barta uu Tiwitterka ku leeyahay ku sheegay in arrin sharci darro ah ay tahay in baarlamaanka ay faragaliyaan hay’adaha garsoorka oo madaxbannaan.

Hay’adaha sharci dejinta iyo garsoorka ayuu sheegay wasiirku inay yihiin kuwa kala madaxbannaan oo aan isku shaqo ahayn.

Waxaa uu tilmaamay in aynaan hay’adna hay’ad kale farogelin karin oo ay qalad dastuuriya tahay.

Arrintani ayaa ku soo aadaysa iyadoo maalin kahor uu golaha shacabka ay diidmo ka keeneen go’aan ka soo baxay maxkamadda sare oo ahaa in dib loogu laabto doorashada 8 kursi oo golahaasi ka tirsan.

Goobjoog News