U bood dhigaalka

Wasiir Xoosh Oo Sheegay Iney Ka Go’an Tahay Dhammeystirka Dastuurka Dalka u Yaalla

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS, Guddiga La-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxay kulan wadajir ah la yeesheen Ururada Buslshada Rayidka ee Dawlad Goboleedka Jubbaland.

Ujeeddada kulanka ayaa ahaa in hay’adaha u xilsaaran dhameeystirka Dastuurka ay Bulshada Rayidka Jubbaland u bandhigaan tubta Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Ururada Bulshada Rayidka ay kaalin wayn ku leeyihiin Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

“Waxaa naga go’an in Dastuurka lagu dhameeystiro si daahfuran taasina waxay suurtagelaysaa marka Ururada Bulshada Rayidka ay kaalintooda muuhimka ah qaataan. Waxaan idinka dooneynaa inaad ka taladhiibataan Tubta loo marayo dhameeystirka Dastuurka oo maanta aan idiin soo bandhignay” ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh.

Sidoo kale, xubnaha katirsan Guddiyada ee Wasaaradda shaqo wadaagayihiin ayaa waxay Bulshada Rayidka Jubbaland ku dhiirageliyeen inay talooyinkooda ku biiriyaan Tubta ayna sedexda hay’ad ee Qaranka uga xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ay ku gacansiiyaan hawsha adag ee ay wajahayaan.

Ugu dambayn, ka qaybgalayashii kulanka ee katirsanaa Buslahda Rayidka Jubbaland ayaa waxay soo jeediyeen talooyin waxayna su’aallo weydiiyeen Wasiir Cabdi Xoosh iyo Xubnaha ka socday Guddiyada.

—–DHAMAAD—–