U bood dhigaalka

Wasiir Xukuumadda Kheyre Uga Tagay Faragelinta Ay Ku Heyso Maamul Goboleedyada

Sheeko:Dalka

Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha iyo dhirta iyo daaqa xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Cabdikarim Khaliif  Dhalac ayaa goordhow ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisi uu ka haayay wasaaradda.

Qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray ayuu sababta uu isku casilay ku shheegay inuu ku qanci waayay faragelinta ay dowladda Federaalka ku heyso maamulka Galmudug, isla markaana habka maamul u saameynta ay u wado uu yahay mid baal marsan rabitaanka dadka reer Galmudug iyo dastuurka dalka u yaalla.

Qoraalka wasiir ku xigeenka ayaan au qornaa ”  Anigoo ah Cabdikariin Khaliif Cabdi Dhalac maanta oo taariikhdu tahay 20-9-2019 ka waxaan go’aansaday  xilkii aan u haayay xukuumadda federaalka ee Soomaaliya oo ahaa wasiir ku xogeenka xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa, sababta aan isku casilayna waxaa ka mid ah.

Waxaan ku qanci waayey faragelinta dowladda dowladdu ku heyso dowlad gobaleedyada dalka ka jira, gaar ahaan maamulka Galmudug oo hadda ay ka socoto qaban qaabo maamul u sameyn baal marsan rabitaanka dadka reer Galmudug iyo dastuurka dalka u yaalla, taas oo keeni karta dib u dhac siyaasadeed, dhaqaale amni iyo horumarineed, sidoo kale waxaa ay keeni kartaa kala fogaanshaha labadii gobal ee ku midoobey Galmudug.”

Sidoo kale wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa Cabdikarim Dhalac ayaa baaq u diray xukuumadda federaalka ee Soomaaliya iyo dowlad gobaleedyada kajira”.

1-waxaan ugu baaqayaa xukuumadda federaalka iney ilaaliso dastuurka dalka iyo nidaamka federaalka Soomaali ay ku heshiisay, feregentana ka daayaan dhismaha dowlad gobaleedyada.

2- waxaa kale oo aan baaq u dirayaa dowlad gobaldeeyada dalka ka jira iney xil iska saaraan ilaalinta shuruucda dalka u taalla oo dastuurku ugu horeeyo.

Goobjoog News