U bood dhigaalka

Wasiir Yariisow “Ciidamada Amniga Waxay Dileen 81 Ka Tirsan Maleeshiyada Al-shabaab”

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa faah faahin ka bixiyey howlgal ay ciidamada Amniga ka sameeyeen gobollada Shabellaha Hoose, Shabellaha Dhexe iyo Jubooyinka.

Wuxuu sheegay wasiirka in howlgalladaasi lagu diley 81 kamid ah dagaalyahannada Al-shabaab, sidoo kalena la burburiyey goobo Al-shabaab ay qaraxyada kasoo abaabuli jireen.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in howlgalladaasi lagu burbuiyey agab badan oo qaraxyada laga sameeyo kuwaasi oo uu ku sheegay TNT, RDX, Potasium Nitrate, sodium nitrate iyo sawaariiq lagu qiyaasay ilaa Laba ton iyo Hub kale.

“Howlgallada waxaa garab socda weeraro qorsheysan oo ay fulinayeen hay’adaha amniga, waxaana labo weerar oo gaar ah laga fuliyay degmada Jilib gaar ahaan xarunta qaraxyada, waxaana weeraro loo adeedsaday miinooyin la geliyay xarumahaas, kadibna la qarxiyay, waxaana ka dhashay Khasaaro xoog leh, sida ay noo sheegeen Hay’addaha Ammaanka waxaa halkaas lagu dilay 81 maleeshiyo, waxaa kaloo jirtay in jidka loo galay gaadiid dagaal oo ay wateen maleeshiyaadka Al-Shabaab kuwaasi oo doonayay inay falal argagixiso ka geystaan Gobolka Gedo” ayuu yiri Wasiir Yariisow oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Ugu dambeyn, wasiir Yariisow ayaa ugu baqay shacabka Soomaaliyeed iney xoojiyan garab istaagooda ciidamada qalabka sida.

Al-shabaab dhankooda weli kama aanay hadal warkaan kasoo baxay dowladda Federaalka ee ah in dagaalyahanno laga diley, lana burburiyey agab ay qaraxyada u adeegsan jireen.

Goobjoog News