U bood dhigaalka

Wasiir Yariisow Oo Sheegay In Wax Badan u Qabsoontay Dowladda Federaalka Sanadkii 2017

Sheeko:War

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa sheegay in sanadkii tagay ee 2017 gaar ahaan 9-kii bil ee ay jirtay xukuumadda Ra’iisul wasaare Kheyre la qabtay waxyaabo badan oo muhiim ah.

Waxyaabaha qabsoomay ayuu ku sheegay iney tahay dhanka amniga, dib usoo celinta maamulka hawada iyo arrimo kale.

“Horumarada la gaaray sanadkii tagay ee 2017 waxaa ka mid ah Amniga, Maamulka Maaliyada, Dib u eegista Dastuurka, Diyaargarowga doorashooyinka, Wadashaqeynta Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah & G/Benaadir, isku xirka shacabka iyo Dawladda, horumarinta warbaahinta, isla xisaabtanka, ansixinta 15 shuruucda muhiimka ah, soo celinta maamulka hawada, is-dhexgalka bulshada, siyaasada dhalinyarada, horumarinta cayaaraha iyo arrimo fara badan baan ku guuleysanay 9-kii bilood ee Xukuumadu jirtey (tan iyo 1da April 2017),” wasiir Yariisow ayaa sidaasi yiri.

Wasiirka ayaa sheegay sidoo kale sheegay in sanadka 2018 oo maalintiisa Koowaad maanta tahay ay rajeynayaan in lagu tallaabsado horumaro badan oo la taaban karo, shacabkana u riyaaqi doonaan.

Wasiirka ayaa hadalkaan ku sheegay mar uu la  hadlayey warbaahinta dowladda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa horyaalla shaqooyin badan oo u baahan in la qabto si dalka isbedal muuqda u gaaro.

Goobjoog News