U bood dhigaalka

Wasiirada Arrimaha Dibadda Ee Dowladaha Xiriirka u Jaray Qatar Oo Ku Kulmaya Cumaan

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Saamix Shukri ayaa maanta waxaa uu kula kulmayaa magaalada Manama  ee caasimadda Baxreyn,  wasiirada arrimaha dibadda Sacuudiga, Imaaraadka Baxreyn si ay uga wada xaajoodaan xayiraada ay saareen dowladda Qatar.

Dowladahaan afarta ah ayaa waxay xiriirka u jareen Qatar bilowgii bishii tagtay ee June, iyaga oo ku eedeeyay Dooxa in ay taageerto kooxaha argigixisada ah  iyo in ay xiriir dhow laleedahay Iran.

Was-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimada dibadda ee Masar ayaa waxaa lagu sheegay in kulankaan uu socon doono labo maalin, iyaga oo dowladahaan xoogga saari doono sidii ay isku duba ridi lahaayeen go’aankooda iyo in Qatar ay fuliso codsayadii ay hor dhigeen.

Goobjoog News