U bood dhigaalka

Wasiirada Arrimaha Dibadda Mareykanka Iyo Iran Oo Markii Ugu Horeysay Kulmay

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka Rex W. Tillerson ayaa la kulmay dhiggiisa Iran Maxamed Jawaad Dariif, waana markii ugu horreysay oo ay kiulmaan labadaan mas’uul.

Labada wasiir ayaa waxaa ay kulmeen intii uu socday kulanka qaramada midoobay kaasi oo ka socda xarunta qaramada midoobay ee New York, shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay sidoo kale dhinacyada matalayey heshiiska Nukliyeerka Iran.

Waa markii ugu horreysay oo ay kulmaan labadaan nin tan iyo markii uu madaxweyne Donald Trump uu la wareegay aqalka cad.

Kulamada xiga waxaa lagu wadaa in laga wada hadlo heshiiska Iran iyo dowladaha Ruushka, Shiinaha, Faransiisk, Jarmalka iyo midowga Yurub.