U bood dhigaalka

Wasiirada Arrimaha Gudaha Maamul Goboleedyada Oo Shir Kaga Qeybgalaya Nairobi

Sheeko:Dalka

Wasiirada Arrimha Gudaha Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Shir looga hadlayo horumarinta Maamulada kaga qeyb galaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kormeeray xaruumaha dowladda Kenya, si ay wax badan uga ogaadaan sida ay u shaqeeyaan.

Ujeedka Shirka ayaa ah sidii Wasaaradaha arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada in ay cashar ka qaataan sida ay u shaqeeyaan hey’adaha Dowladda Kenya sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaas oo u shaqeeya qaab Federaal ah, iyo sida loo dhiso maamulada degmooyinka, Waxaana sidoo kale shirkaasi goob joog ka ah Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha Prof Yaxye.

Xubnaha Shirka ka qeyb galaya ayaa shalay booqday Xafiisyada ay ku shaqeeyaan Hey’adaha Dowladda Kenya kuwaa oo indha indheeyay sida ay u shaqeynayaan, iyadoo faah faahin dheeraad ah laga siiyay sida xafiisyadaasi ay u shaqeeyaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cali Caadle ayaa sheegay safarka ay ku joogaan Kenya in uu yahay mid wax ku ool ah oo uu sheegay in ay wax ka baraneyaan sida ay u shaqeeyaan Hey’adaha wadankaasi, waxaana uu tilmaamay wasiirka in u jeedka uu yahay In aan cashar ka qaadano habka ay u shaqeeyaan, wixii aan dabaqi karnana aan dabaqnaa.

Maanta ayaa sidoo kale lagu wadaa Mas’uuliyiintaasi in ay booqdan Xafiiska Madaxweyne Ku Xigeenka Dalka Kenya, Xafiiska Miisaaniyada wadankaasi, iyo xaruumo kale oo ay ugu kuur galayaan in wax badan ay ka ogaadaan habka ay u shaqeeyaan, waxaana intii halkaasi ay ku sugnaayeen wafdiga soo dhoweyn heer sare ah ay kala kulmaan madaxda wadanka Kenya.

DHAMMAAD

IMG-20170517-WA0008 IMG-20170517-WA0009 IMG-20170517-WA0010 IMG-20170517-WA0021