U bood dhigaalka

Wasiirada Cusub Ee Dhowaan Uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo La Dhaariyey

Sheeko:Dalka

Munaasabad kooban oo  ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu dhaariyey wasiirada cusub ee wasaaradaha Arrimaha dibadda, Ganacsiga iyo Gudaha.

Axmed Ciise Cawad, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ku dhaartay in ay si sax ah u gudan doonaan waajibka saaran, iyaga oo gacantooda midig saaray Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa 4-tii bishan magacaabay wasiiradan kadib markii uu shaqada ka eryey wasiiradii iyaga ka horreeyay.

Goobjoog News