U bood dhigaalka

Wasiirada Galmudug Oo Ansixiyay Miisaaniyadda Lix Bil Oo Sanadka 2015-ka Ah

Sheeko:Dalka

Shir ay yeesheen Golaha wasiirada Galmudug ayaa si qoto dheer waxaa looga hadlay qoondaynta Miisaaniyada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wasiirka maaliyada Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cali saciid Cumar ayaa soo bandhigay shaxda qeexeyasa misaaniyada lixda bilood ee sanadeedka 2015 ee dhamaan hay’adaha dowlada waxaana lagu Qiyaasaya lacag dhan ku dhawaad $4,600 0000 lacagtaa doolar ka mareykanka.

Misaaniyada ayaa lagu saleeyay habraacyo lagu soo bandhigay qoondaynta miisaamiyada wasaaradaha oo ay ka mid yihiin Mushaaraadka Shaqalaha rayidka, Cidamada iyo qarashaadka dheeriga ah ee safarada iyo isticmaalka xafiisyada wasaaradaha.

Golaha wasiirada oo eegay muhiimada ay leedahay dedejinta qabashade howlaha u yaala Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa
Soo dhaweeyay qaabka uu wasiirka maaliyada DG GM Mudane Cali saciid Cumar Ibraahim u soo bandhigay Qorshaha maaliyada lixda bilood ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Shirkaan oo uu shir gudoominyay wasiirka cadaalada iyo Garsoorka Mudane Cabdulqaadir Shiekh Cali ayaa Gabo gabadii Golaha wasiirada Dowlad goboleedka galmudug oo ay goobjoog ahaayeen 34 wasiiray si wadajir ah u ansixiyeen Miisaaniyad lixbilood ee sanadka 2015-ka waxana Qorshahaan loo gudbin doonaa golaha baarlamaanka Galmudug

DHAMAAD