U bood dhigaalka

Wasiirada Galmudug Oo Codka Kalsoonida Ah Ka Helay Baarlamaanka

Sheeko:Dalka

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta oo Sabti ah waxay codka kalsoonida ah siiyeen golaha wasiirada ee dhowaan uu soo magacaabay madaxweyne Xaaf.

Kulanka baarlamaanka Galmudug waxaa soo xaadirtay 57 mudane, waxaana halkaasi hadal ka jeediyey madaxweyne Xaaf.

Waxa uu madaxweynaha ka codsaday xildhibaannada iney codka siiyaan wasiiradiisa si loo sii amba qaado howlaha maamulka u yaalla.

Xildhibaannada ayaa qaab gacan taag ah codka u qaaday waxaana 52 xildhibaan ay aqbaleen in xukuumadda Xaaf ay meelmarto, halka 5 mudane ay diideen, sidaasina waxa ku meelmaray golaha wasiirada cusub ee Galmudug.

Wasiirada Galmudug waxaa horyaalla shaqooyin badan, iyadoo xubnahan ay u badan yihiin wasiiradii hore ee xukuumaddii C/kariin Guuleed.

Goobjoog News