U bood dhigaalka

Wasiirada Hirshabelle Oo Codka Kalsoonida Ah Ka Helay Baarlamaankooda

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in baarlamaanka maamulka Hirshabelle uu codka kalsoonida ah siiyey golaha wasiirada ee maamulkaasi.

Xildhibaannada ayaa cod aqlabiyad leh ku meelmariyey golaha wasiirada Hirshabelle, kadib markii dib u dhacyo badan ku timid in codka loo qaado wasiiradan.

Kulanka baarlamaanka Hirshabelle waxaa soo xaadiray 79 mudane, waxaa aqbalay xukuumadda 77, Halka 2 ay ka aamustay, waxaana sidaasi ku meelmaray wasiiradan.

Sheekh Cismaan Barre, guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabelle oo kulankaan shir gudoominayey ayaa sheegay in wasiirada Hirshabelle ansax yihiin, iyadoona la dhaarin doono.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa jiray dedaal badan oo uu badan madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, kaasi oo uu ku doonayey in xildhibaannada maamulkaasi ka dhaadhiciyo in codka kalsoonida ah siiyaan golaha wasiirada ee uu soo dhisay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News