U bood dhigaalka

Wasiirada Maamulka Gal-mudug Oo Maanta Yeeshay Kulan Looga Hadlay Arimo Dhawr Ah (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

GalmudugMagaalada Gaalgacyo ee xarunta gobalka Mudug, waxaa maanta kulankii caadiga ahaa ku yeeshay Wasiirada maamulka Gal-mudug, kaa oo arimo badan looga hadlay.

Kulankaan waxaa shir gudoominayay madaxweynaha maamulkaasi Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, oo dhawaan ka amba baxay magaalada Muqdisho oo safar uu ku joogay.

Qeybdiid ayaa wasiirada Gal-mudug siiyay warbixin ku aadan socdaalkii uu ku joogay magaalada Muqdisho iyo sidoo kale waxyaabaha u qabsoomay.

Waxa uu sheegay in kulamo uu lasoo qaatay xubno badan oo ka mid ah caalamka, sida Qaramada Midoobay, Safaaradaha dalalka caalamka qaarkood ku leeyihiin Muqdisho oo ay ka mid yihiin Turkiga, Ingiriiska UAE, Ergayga Jaamacadda Carabta, Kan Afrika iyo Ergayga IGAD.

Waxyaabaha uu kala hadlay ayuu sheegay dhibaatooyinka jira gaar ahaan kuwa ka taagan gobalada dhexe, sidoo kalena ay xamar u joogeeyn shirkii gobalada dhexe oo qaban qaabadiisa socoto.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News