U bood dhigaalka

Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed Oo Dhawaan La Dhameystirayo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

ShariifMadaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhawaan la filayaa in uu soo magacaabo dhamaan xubnaha ka harsan Wasiirada maamulkiisa, ka dib markii dhawaan uu magacaabay ilaa Afar Wasiir.

Siyaad Sheekh Daahir oo ah afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog Fm, waxa uu sheegay in madaxweynaha maamulkaan ku howlan yahay dhameystirka xubnaha u haray.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in hadda Shariif Xasan uu ku guda jiro wada tashi ku aadan xubnaha noqonaya wasiirada, isaga oo la shiraya qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Hordhac ahaan Afar ayaa lasoo magacaabay, todobaadkaan soo aadan dhamaan waa la dhameystirayaa, waxaana madaxweynaha wada hadal uu kula jiray qeybaha kala duwan ee bulshada si loo helo maamul dadka dhan ay u wada dhan yihiin” ayuu yiri Afhayeenka.

Shariif Sheekh Axmed oo hogaamiyo maamulka Koonfur Galbeed, waxa uu si toos ah u bilaabay howlaha horyaala maamulkiisa waxa uuna dhawaan ku dhawaaqay Afar ka mid ah xubnaha wasiirada, iyadoo la filayo in xubnaha haray la dhameytiro.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News