U bood dhigaalka

Wasiirada oo Ka Hadlay Baahida Loo Qabo Balaarinta Dekeda Muqdisho

Sheeko:Dalka

Shir ay isugu yimaadeen golaha wasiirada ayaa looga hadlay baahida loo qabo balaarinta dekada Muqdisho oo saxmad iyo ciriir badan laga dareemey kadib markii ay bateen badeecooyinka kusoo degaya.

Wasiirka Dekedaha iyo Gadiika Badda Nuur Faarax Xirsi ayaa golaha soo hordhigay soo jeedin ku aadan baahi loo qabo in la helo
Deked Qalalan “Dry Port, si culayska siyaadaha ah ee hada ka jira dekedda weyn ee Muqdisho loo yareeyo, lana hormariyo adeegyadeeda.

“Waxaa jiray codsiyo loo gudbiyey wasiiradii iga horeeyey, kuwaas oo dhamaantood qeexaya baahida loo qabo in lahelo Deked Qalalan “Dry
Port” taas oo laga hirgalinayo meel ka baxsan Dekedda si Conteenarada imaanaya loogu xareeyo, badeecooyinka looga dajiyo wixii la
dhoofinayana looga soo raro, waxaana arinkaan horseedayaa in Dekeda howsheeda si habsami leh u qabsato, in Dekedu noqoto mid la tartami
karta Dekedaha caalamka, in muwaadinin Soomaaliyeed ay ka helaan shaqooyin, iyo suurtagalnimada in halkaas lagu diyaariyo qaboojiyayaal
waaweyn oo lagu kaydiyo khudaarta, Hilibka iyo Kaluunka dalka dibadiisa loo iib gaynayo” ayuu yiri Wasiirku.

Goobjoog News