U bood dhigaalka

Wasiirka Aan Dhicin Ee Jaalle Siyaad Oo Talooyin Siinaya Farmaajo, Khayre Iyo Xukuumadda

Sheeko:Dalka

In aad noqoto wasiir-ka aan dhicin ee dowladdii Jaalle Maxamed Siyaad Barre ma aheyn arrin fudud, in aad billad dahabi ah ku hesho dadaalka iyo hor-u-marinta waxbarashada dalka waa arrin kale oo tii hore ka culus balse waxaa intaas oo dhan xilligan ka muhiim in uu talo siinayo dowladda cusub.

Mudane Aden Maxamed Cali oo horay dowladdii Siyaad Barre u soo noqday Wasiirka Sportiga, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta iyo  Wasiirka Kalumeysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa Goobjoog News la wadaagay dhowr talo uu jeclaan lahaa in uu siiyo dowladda cusub ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Tallooyinkan, Waxaa Uu Siiyay Madaxweye Maxamed Farmaajo, Ra’isul Wasaare Xasan Khayre Iyo Xukuumadda Cusub:

Tallooyinka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo:

  1. Madaxweynaha iyo Dhammaan Madaxda Qaranka in ay badiyaan samirka, una dul-qaataan dhibaatada ay kala kulmaan dal iyo dibadba.
  2. Madaxweynaha in uu sharciga ilaaliyo.
  3. Madaxweynaha in uu ku dadaalo midnimada iyo ilaalinta xuduudaha dalka.
  4. Madaxweynaha in uu dhowro sharafta dhulka iyo shacabka Soomaaliyeed.
  5. Madaxweynaha in uu isku wado dhammaan hey’adaha dowladda, sida xukuumadda, baarlamaanka iyo hey’adaha kale.

Tallooyinka Ra’isul Wasaare Xasan Khayre:

  1. In uu fuliyo Barnaamijka uu umadda u balan-qaaday, lana socdo fulinta qorshayaasha lagu fulinayo barnaamijka xukuumadda.
  2. In wasiirrada ku kontaroollo shaqada ay qabanayaan iyo In ay fulinayaan barnaamijka xukuumadda.
  3. In Shacabka ka dhageysto cabashada ay ka qabaan waxqabadka xukuumadda.

Tallooyinka Xukuumadda Khayre:

  1. Unity iyo Silsilad: Wasaarad walbo min wasiirka illaa shaqaalaa nadaafadda waa in isla socdaan, oo aan la dhihin “Lama iima Sheegin iyo ma aqaanno”.
  2. Shaqo: Wasaaradda walba waxaa laga rabaa in ay qabato shaqada loo igmaday, isla markaana ka soo baxdo shaqada iyo qorshaha u degsan.
  3. Wasiirka In uu Is Diro: Wasiirrada in ay fuliyaan dhammaan waajibaadka laga rabo, oo mas’uulka wasaaradda isweydiiyo “Ma in lagu diraa mise in  aad adiga is dirto”, qofka waa in uu diraa waajibka iyo shaqada laga sugayo.
  4. Hagidda Fog: Wasiirka ama General Director-ka waa in uu og yahay shaqada ka socota gobol hebel iyo degmo hebel, la islana xisaabtamo.
  5. Dowlad Isla socota: Waa in xukuumadda iyo Shacabka isla socdaan, oo aaney kala socon, ujeedka iyo meesha loo socdo waa in isku aragti laga noqdo.
  6. Isku Filnaan: In Xukuumadda ka shaqeyso sidii looga faa’ideysan lahaa Badda, barriga, xoolaha, webiyada, isla markaana ka shaqeyso qaabkii lagu gaari lahaa isku filnaan.

Waa Kuma Wasiirka Aan Dhicin Ee Dowladda Maxamed Siyaad:

Mudane Aden Maxamed Cali, waxaa uu ku dhashay Baargaalle 1939-kii, waxbarashada hoose dhex waxaa uu ku qaatay isla magaaladaas halka waxbarashada sare ku dhameeyay Muqdisho 1958-dii.

Shaqooyinka uu qabtay waxaa ka mid ahaa:

1965: Guddoomiyaha ururka Macalimmiinta qaranka:

1967-1969: Xogheyaha guud ururka shaqaalaha Soomaaliyeed

1971: Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Banaadir

1974: Wasiirka Sportiga, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

1976: Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta

1982: Guddoomiyaha arrimaha dibadda ee xisbiga hanti-wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed

1984: Wasiirka Kalumeysiga iyo Kheyraadka Badda

1988: guddoomiyaha maamuuska iyo maareynta xisbiga hanti-wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed

1976-1991: Xubin golaha dhexe ee xisbiga hanti-wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed

Sanad guuradii 10aad ee Xisbiga Hanti-wadaagga Kacaanka waxaa Mudane Aden Maxamed Cali oo ka socday wasaaradda  waxbarashada iyo Maxamed Cali Samantar oo ka socday Gaashaandhigga la guddoonsiiyay bilad sharaf dahabi ah.

Mr. Mudane Aden Maxamed Cali, Waxaa la uu la kulmay madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo, Ra’isul Wasaare Xasan Khayre iyo guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, waxaa uu sidoo kale la wadaagay tallooyin dalka lagu dhisi karo.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,