U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga Galmudug oo Booqday Xarumaha Ciidanka Ee Degmada Hobyo

Sheeko:Amniga

Wasiirka Wasaarada Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kormeeray xarumaha CiIdamada Ammaanka heer fadaraal iyo heer dowlad Gobaleed ee ku yaala dagmada hobyo ee gobalka Mudug halkaas oo haatan ay ku sugan yihiin Madax kala duwan oo isugu jiro heer fadaraal iyo heer dowlad Gobaleed kuwaas oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye , Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya  Mahad Cabdalla Cawad.

Kormeerka wasiirka ayaa ahaa mid uu ugu kuurgalayay sida ay usocoto shaqada CiIdamada amniga qaranka iyo kuwa dowlad gobaleedka ee la xariirta sugida iyo adkeynta amniga dagmada hobyo iyo deegaanada hoostaga xiligaan ay ka wadaan.

Wasiirka ayaa intii uu kormeerkiisa ku guda jiray booqday xarumaha ciidanka booliiska iyo kuwa CiIdamada badda ee ay ku leeyihiin dagmada Isagoona warbixino ku aadan qorshaha sugida amniga ka dhageystay saraakiisha CiIdamada uu xaruumahooda kormeerka ku tagay

Axmed Macalin Fiqi wasiirka Amniga Galmudug ayaa bogaadiyay sida ay u shaqeeynayaan CiIdamada Amniga waxaana uu sheegay in Galmudug xiligaan ay ka go’an tahay sugida iyo adkeynta Amniga guud ee deegaanada Galmudug iyo  sidoo kale in Al shabaab mustaqbalka laga xoreeyn doono deegaanada Fara ku tiriskaa ee ay kaga sugan yihiin Galmudug ayuuri wasiirka,

Kormeerka xarumahaan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha wasaarada amniga Galmudug iyo ku dar dar galineyso la dagaalanka kooxda caadeeystay dhiiga shacab ee Al shabaab iyo sugida Amniga guud ee Galmudug. 

Goobjoog News