U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga Gudaha Iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Oo u Amba Baxay Jabuuti

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka amba baxay wasiirka amniga gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, iyaga oo kusii jeeda dalka Jabuuti.

Uljeedka safarkooda ayaa ah in tababar ay usoo xiraan ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya, kuwaasi oo dalka Jabuuti tababar uga socday.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa saxaafadda si kooban ugu sheegay in Jabuuti ay u tagi doonaan in tababar ay ciidamo usoo xiraan iyo sidoo kale arrimo ku saabsan horumarinta ciidamada.

“Waxaan ugu soconaa Jabuuti tababar in aan u soo xirno ciidamo ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo tababar wadankaasi uu ugu soconayo muddo, waxaana u taaganahay dhismaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, oo horseed u ah xoojinta sugida Ammaanka” ayuu yiri taliyaha

Waxaa socdo tababaro sare loogu qaadayo aqoonta ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, iyadoo maanta xusid ay mudan tahay in magaalada Baladweyne tababar looga furay qaar ka mid ah ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Goobjoog News