U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga Gudaha Oo Dhinayacdii Ku Heshiiyay Baladweyne Ugu Baaqay Fulinta Qodobadii Lagu Heshiiyay

Sheeko:Dalka

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa soo dhaweeyay heshiis dhawaan magaalada Baladweyne ku gaareen Beello halkaasi ku dagaallamay, isaga oo dhanka kale kula dardaarmay beelahaasi inay fuliyaan wixii lagu heshiiyay.

Waxa uu sheegay Wasiirka in uu aad uga xun yahay dagaalladii ka dhacay magaalada Baladweyne, waxaana uu Odayaasha dhaqanka gobalka Hiiraan kula dardaarmay inay juhdi ku bixiyaan in mar kale guud ahaan gobalkaasi aanu dagaal ka dhicin.

“Waxaan soo dhaweyneynaa heshiiskaan la gaaray, waxaan kula dardaarmayaa beelaha walaalaha ah ee heshiiyay in qodobada ay dhaqan geliyaan iskana ilaaliyaan wax walba oo caqabad ku ah heshiiska, Odayaasha dhaqanka dadaal xooggan bay ku bixiyeen howshaan waxaan iyagana ku boorinayaa sidii ay nabadda Baladweyne uga shaqeeyeen inay uga shaqeeyaan guud ahaan nabadda gobalka Hiiraan” ayuu yiri wasiirka.

Dhinaca kale wasiirka amniga ayaa ku baaqay in la kala qaado ciidamo beeleed la sheegay in ay isku horfadhiyaan deegaanka Buq-kowsaar oo qiyaastii 50 km dhinaca galbeed ka xiga magaalada Baladweyne, kuwaasi oo kasoo kala jeeda beelihii ku dagaallamay Magaalada Baladweyne.

Beelihii ku dagaallamay magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan waxaa la kala dhex dhigay heshiis Lix qodob ka kooban, ka dib dagaal maalmo badan ka socday xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi.

Goobjoog News