U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga Gudaha Oo Sheegay In Lasoo Afjaray Howlgalkii Hotelka Saxafi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed oo goor dhaw la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ciidamada amniga ay soo af jareen howlgalkii hotelka Saxafi, islamarkaana ay ciidanka dileen dadkii Hotelkaasi weerarka kusoo qaaday.

Wasiirka ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen 5 ruux, islamarkaana dhammaantood la toogtay, haatanna la wado tirakoob ku aadan dadkii ku dhintay kuna dhaawacmay weerarkaasi.

“Dadkii soo weeraray Saxafi dhammaantood halkaasi ayaan ku dilnay, hay’adaha amniga ayaa wada Tirakoob dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah, Shan qof bay ahaayeen kuwa weeraray Hoteelka, Hotelka dadkii ku jiray waa lasoo badbaadiyay, waana lasoo afjaray howlgalka” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Rag ka mid ah Xarakada Al-shabaab ayaa saaka waabarigii weerar ku qaaday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Ku dhawaad 5 saacadood ayaa dagaal waxa uu ka dhex socday Hotelka Saxafi, iyadoo ugu dambeyn lasoo gabagabeeyay howlgalkaasi.

Riix Halkaan si aad u dhageysato codka Wasiirka

Goobjoog News