U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga iyo Taliyeyaashiisa Oo Maanta Hor Tagaya Baarlamaanka Federaalka

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa xubnaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya u furnaa maalmihii lasoo dhaafayna ay ka doodayeen mooshin looga hadlayay arrimaha xasaanadda iyo amniga oo la gudagalay 16 Febraayo, arrimaha xasaanadda oo muddo dheer soo jiitamayay ayaa laga gudbay, isla markaana loo gudbay qeybtii kale ee mooshinka ee ammaanka.

Waxaa maalintii Isniinta ku ballansanaa xarunta baarlamanaka  wasiirka Ammaanka iyo Taliyaha booliska Soomaaliya iyo kan nabadsugidda qaranka oo aan laakiin iman xarunta baarlamaanka isla markaan soo qoray warqad cudur-daar ah iyo in looga dhigo wakhti kale, laakiin goddoonka baarlamanka ayaa ku adkeeyay inuu maanta oo  Talaado ah ay hor yimaadaan baarlamaanka si su’aalo looga waydiiyo xaaladda ammaan ee dalka iyo sababta keentay amni darrada baahsan ee maalmihii dambe sii kordheysay ee ka jirta magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn kulanka baarlmaanka ee maanta ayaa la filayaa inuu noqdo mid albaabadu u xiran yihiin oo ay saxaafaddu dibad joog ka tahay, maadaama looga hadlayo arrimo xasaasi ah oo ku saabsan ammaanka qaranka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News