U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga : Mudaharaad Hub Wata Oo Dad Hubeysan Wataan Sideedaba Lama Ogolaan Karo”

Sheeko:Amniga

Wasiirka wasaaradda Amniga Xassan Xundubeey Jimcaale oo goordhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda aysan marnaba aqbaleynin banaanbax ka dhaca caasimadda.

Xundubey ayaa sheegay ay siyaadeyday qatarta cudurka Corana Virus oo dalka ku soo laba kacleeyay , sidaas darteedna ay dowladda aqbaleynin in la qabto banaanbax noocu doona ha ahaade.

” Sidaad ka warqabtaan banaanbax guud ahan waala joojiyay ama ha noqdo mid dowladda lagu taageerayo ama ha noqdo mid dowladda looga soo horjeedo, banaanbax dowladda waa soo saari karta dadka mucaaridka ahna waa soo saarin karaan , laakin kuligood waa sharci darro , ama dowladda lagu taageero ama dowladda looga soo horjeedo banaanbax oo dhan waa sharci darro , ciddii sameysana ayaada is xilqaantay ma ahe dowladda uma dirin , mana ogolla “.

“Maagalada caasimadda ah waa ka duwan tahay gobalada waxaa jooga mas’uuliyiinti dhameyd , waxaa jooga dowladdii , waxaa jooga Safaaradihii , Hubka ugu badan baa yaalla , mudaharaad hub wata oo dad hubeysan wataan sideedaba lama ogolaan karo”.

Hadalka wasiirka Amniga ayaa ku soo aadaya xilli magaalada Baladweeyne uu maanta ka dhacay banaanbax lagu taageerayo Farmaajo.