U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga Oo Maanta Xarigga Ka Jaray Habraac Cusub Oo Lagu Qadanayo Basaboorka Dalka

Sheeko:Dalka

Wasiirka Wasaarada Amniga Soomaliya Mudane Maxmed Abukar Islow Ducaale ayaa manta si rasmi ah xariga uga jaray hab-raaca cusub ee qadashada Basaboorka Soomaliya.

Wasiirka oo manta kormeer guud ku sameyay xarunta bixinta basaboorada Soomaaliya ayaa mid mid u kormeeray xafiiskayada hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Sida Xafiiska Hubinta Muwaadinimada, Xafiiska Qadashada basaboorka, Xafiiska Daabacaada, Xafiiska Keydka, iyo Xafiiska Shaqada iyo shaqaalaha.

Hab-raacan cusub ee qaadashada Basaboorka ayaa ah mid lagu kontoroolayo dadka qadanaya Basaboorka in ay yihiin dadka xaqa u lahaa iyo sidoo kale in dib loo soo celiyo sharafta Basabooka.

Wasiir Islow oo si kooban saxaafadda ula hadlay ayaa sheegay in habraaacan cusub uu yahay mid ka qeybqaadan doono dib usoo celinta karaamadii uu lahaa Baasaboorka Soomaaliyeed.

“Waxaan u mahadcelinayaa hay’adda socdaalka oo dedaal badan sameeyay, barnaaamijkaan wuxuu hubinayaa qofka inuu yahay Soomaali sax ah, waxaan rabaa in loo hoggaansamo haddii ay ahaan lahaayeen mas’uuliyiinta sida xildhibaannada iyo wasiirada” ayuu yiri wasiirka.

Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha xukuumadda Soomaaliya ayaa waddey dedaallo lagu hormarinayo Baasaboorka Soomaaaliya, sidoo kalena lagu soo celinayo karaamadii iyo  sharaftii uu lahaa Baasaboorka.

Goobjoog News